Home » Horyaalada » La Liga Spain » Barcelona Oo Dalab Cusub U Diri Doonto Daafaca Bayern Munich Iyo Xulka Jarmalka Jerome Boateng

Barcelona Oo Dalab Cusub U Diri Doonto Daafaca Bayern Munich Iyo Xulka Jarmalka Jerome Boateng


boateng-sitzt-620x347

Wargeska Marca ayaa sheegay in naadiga Barcelona ay dalab cusub u diri doonto daafaca kooxda Bayern Munich iyo xulka Jarmalka Jerome Boateng.

Xagaagii hore ayuu Jerome Boateng iska diiday dalab kaga yimid dhanka Barcelona wuxuuna ka doorbiday inuu Bayern heshiis cusub u saxiixo.

Balse waxaa la sheegay in qaabkii Barcelona ay daafacan ugu dhawaatay uu qaldanaa sidoo kalena fashilkii qorshahan uu sabab u noqday agaasimihii shaqada laga racadeeyay Andoni Zubizarreta.

Balse haatan Barcelona waxay arinkan u xil saartay Charly Rexach oo ah nin Barcelona u qiimeeyo xidigaha ay dooneyso wuxuuna masuulkan soo jeediyay in markale hadii Boateng fariin cusub loo diro uusan diidi doonin.

Qorshaha Barcelona ayaa ah inay xagaagan heshiis la gaarto Boateng balse uu mudo lix bilood amaah kooxdiisa Bayern Munich kula sii joogo madaama Barcelona xagaagan aysan wax cayaartooy ah iibsan karin kadib ganaaxii la saaray bilawgii sanadkan.

Barcelona hadii ay Boateng ku guul dareesto waxaa liiska ugu jiro inay lacago badan kusoo qaadato daafaca tayada wanaagsan Aymeric Laporte oo ka tirsan naadiga Athletico Bilbao.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>