kooxa Barcelona ayaa u dabaal dagtay hanashada horyalka Spain kadib markii ay 0-1 ku garaacday kooxda Atletico Madrid
Kulankan xiisaha badan qaybtii hore labadan naadi waxba iskuma reebanin waxayna cayaareen kubad weerar iyo weerar celis ah.
Sidoo kalena xasarada cayaarta aadbay u sareesay madaama taageerayaasha kooxda Atletico Madrid ay garoonkooda Vicente Calderon u badaleen goob buuq badan.
Qaybtii hore ee kulankan waxaa si gaar ah loogu amaanay labada goolhaye Oblak iyo Bravo oo sameeyeen bad baadin kala duwan.
Luis Suarez ayaa awoodi waayay inuu kulankan adag soo xaadiro madaama dhaawac dhanka muruqa hoose ah uu la dhibaatoonayo waxaana booskiia buuxiyay Pedro.
Gimenez ayaa ku dhawaaday inuu kooxdiisa Atletico hogaanka u dhiibo daqiiqadii 8-aad madaama xidigan uu gool u badali rabay kubad koorno ahayd balse goolhaye Bravo ayaa ka bad baadiyay.
Lionel Messi ayaa fir fircooni dheeraad ah sameeyya bilawgii kulankan sidoo kalena daafacyada Atletico nasiino u diiday balse halistiisa ma noqonin mid miro dhal ah.
Kulankan muran xoogan ayaa ka dhacay daqiiqadii 32-aad kadib markii Diego Godín uu qalad ka galay Dani Alves oo ku sugan banaanka xariiqda Atletico balse Alves ayaa isku tuuray xariiqda 18-aad si rigoore loogu dhigo.
Balse garsooraha ayaa iska diiday waxaana Barcelona loo dhigay laad xor ah waxaana tuuray Messi oo ku sigtay inuu gool u badalo balse nasiib xumo si yar ayay kubada banaanka ku martay.
Daqiiqadii 45-aad bad baadadii ugu qatarsaneed waxaa sameeyay goolkae Oblak oo kubad laad xoogan ka celiyay Dani Alves weliba kubadan awooda ayay ku socotay waxaa loo filan karay gool balse goolhaye Oblak ayaa si geesinimo ku dheehan u bad baadiyay.
Qaybtii hore 0-0 ayaa lagu kala maray umana suura galin inay labadan naadi wax gool ah iska dhaliyaan inkastoo kulankan uu ahaa mid jawigiisa aad u kacsanaa.
Markii la isku soo laabtay kulankan maba la isku nasanin waxaana dar dar lasoo baxday kooxda Atletico Madrid oo hogaanka la wareegi rabtay daqiiqadii 51-aad kadib markii uu Godin madaxa la helay kubad uu Koke koorno ahaan usoo usoo qaaday balse Godin madaxiisa ma xooganeen taasi oo halis ku noqon weesay Barcelona.
Labada koox waxaa ku adkaatay inay kubado badan abuuraan madaama cayaarta ay ahayd mid aad u adag sidaa darteed xidigaha Barcelona sida Neymar dilka ayaa laga badiyay si aysan kubad qurxoon u cayaarin.
Wixii la isku dhagnaadaba ugu dambeyntii Lionel Messi ayaa Barcelona u dhaliyay goolkii ay u baahneed daqiiqadii 65-aad.
Messi ayaa si qurxoon kubada u habeestay inuu isku dhiib la cayaaray Pedro oo isla markiiba kubada isoo celiyay Messi oo gudaha xariiqda Atletico ku jiro ayaa si dagan kubada gool ugu badalay.
Xidigaha Barcelona culees weyn ayaa ka dagay waxayna bilaabeen inay kubada isku dhiib dhiibaan weliba Neymar ayaa cayaarta 2-0 ka dhigi rabay asigoo isku dayay inuu kubada si caqli ku dheehan u dhaliyo 68-aad balse uma suura galin.
Kubad gool loo fishay ayuu Neymar iska qasaariyay waxayna kubadan ahayd weerar celis waxaana si wanaagsan uga soo shaqeeyeen Rakatic iyo Messi balse nasiib xumo Neymar kubad I dhali ah oo la siiyay asiga iyo goolhayaha oo kaliya cirka ayuu u darbeeyay daqiiqadii 70-aad.
Barcelona ayaa cayaarta maamulkeeda la wareegtay waxayna xidigaha macalin Luis Enrique aamineen in horyaalka uu lugtooda ku jiro sidoo kalena aysan u baahneyn inay kulamada soo soco ka fikiraan.
Pedro ayaa sameeyay xirfad aan horey loo arag asigoo isku dayay inuu Atletico ka dhaliyo kubad aad u qurxoon wuxuuna laad jooge sare ah kazoo riday meel fog balse nasiib xumo kubada ayaa iskeeda u qaloocatay markii gool loo filanaayay daqiiqadii 77-aad
Ugu Dambeyntii kulankaan ayaa kusoo idlaaday 0-1 oo ay guusha ku raacday kooxda Barcelona, sidaas darteed guushaan ayaa Barcelona u ogolaatay inay u dabaaldagto hanashada Horyaalka.