Home » Horyaalada » La Liga Spain » Barcelona Oo Guul Muhiim Ah Camp Nou Kaga Gaartay Real Madrid Xili Ay Adkeysatay Hogaanka Horyaalka

Barcelona Oo Guul Muhiim Ah Camp Nou Kaga Gaartay Real Madrid Xili Ay Adkeysatay Hogaanka Horyaalka


Suarez

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Jeremy Mathieu iyo Luis Suarez ayaa guul u hogaamiyay kooxda Barcelona waxeyna Camp Nou guul kaga gaareen Real Madrid.

Barcelona guushaan ay gaartay waxey ka dhigan tahay iney afar dhibcood hogaanka ku qabato iyadoo ka fogaaneysa Real Madrid oo ah kooxda kusoo xigta.

Barcelona ayaa u dhawaatay iney dhaliso goolka furitaanka markii Iniesta iyo Suarez ay kubad qurux badan isla fahmeen, xidiga reer Spain ayaana kubadii uu banaanka keenay aan laga fa’ideysan daqiiqadii 2-aad ee ciyaarta.

Cristiano Ronaldo ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Real Madrid daqiiqadii 12-aad ee ciyaarta markii uu birta ku dhuftay kubad qurux badan oo uu ka helay Benzema.

Isco Alcaron ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Real Madrid daqiiqadii 13-aad ee ciyaara markii uu kubad joog hoose ah ku beegsaday goolka Barcelona, kuma aysan aadin goosha balse qatar ayey aheed.

Mathieu ayaa hogaanka u dhiibay Barcelona daqiiqadii 19-aad ee ciyaarta isagoo si qurux badan madaxa ugu dhameestiray kubad laad xor aheyd oo uu dhinaca bidix kasoo qaaday Lionel Messi.

Sadex Ka mid ah goolasha todobada ah oo uu Jérémy Mathieu ka dhaliyay horyaalka La Liga wuxuu ka dhaliyay kooxda Real Madrid

Real Madrid ayaa bilowday iney cadaadis saarto goolka Barcelona iyadoo raadineysa iney gool barbaro ah la timaado, isku dhiib-dhiib qurux badan ayey sameeyeen balse laga diid.

Neymar ayaa iska qasaariyay fursad u baahneed in kubada shabaqa la galiyo daqiiqadii 30-aad ee ciyaarta, isagoo si fudud farta uga saaray Casillas.

Cristiano Ronaldo ayaa barbaro u keenay Real Madrid daqiiqadii 31-aad ee ciyaarta isagoo si habsami leh u dhameestiray kubad uu si qurux badan ciribta ugu dhiibay Karim Benzema.

Goolkaan Ronaldo waa midkiisii 15-aad oo uu ka dhaliyo Kulankaan El-Clasico

Real Madrid ayaa lasoo baxday ciyaar cajiib ah iyadoo Gareth Bale uu dhaliyay gool hogaanka u dhiibi lahaa Real Madrid hadii la ansixin lahaa balse (offside) ayaa lagu sheegay inkastoo kusoo celiska muuqaalka uusan u muuqan in Bale uu offside ku jiray.

Cristiano Ronaldo ayaa u dhawaaday inuu shabaqa dhex dhigo kubad uu meel fog kasoo toogtay daqiiqadii 43-aad ee ciyaarta, balse goolhaye Bravo ayaa koorne u saaray kubad gantaal aheyd.

Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-1, iyadoo labada gool ay kala dhaliyeen Mathieu iyo Ronaldo, qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay.

Karim Benzema ayaa laga beeniyay kubad gool noqon kartay daqiiqadii 50-aad ee ciyaarta goolhaye Bravo ayaana ka diiday inkastoo kubada ay si qurux badan usoo dhiseen kubada xidigaha Marcelo, Bale iyo Ronaldo.

Luis Suarez ayaa furtay akoonkiisa goolasha El-Clasico markuu uu si habsami leh daqiiqadii 56-aad ee ciyaarta u dhameestiray kubad uu meel dheer kasoo caawiyay Dani Alves.

Barcelona ayaa soo xoogeysatay iyadoo Neymar uu iska qasaariyay fursad uu gool ku dhalin karay markii uu kubad la yimid goolka isagoo dhexda kubad kasoo jiiday.

Lionel Messi ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dheereeyo Barcelona daqiiqadii 73-aad ee ciyaarta markii uu kubad uu si fiican uga shaqeeyay aadiyay goolka balse ma haleelin inkastoo ay halis aheed.

Mar kale Barcelon aayaa heshay kubad weerar rogaal celis ah Messi ayaana kubad ula dhawaaday goolka inkastoo uu u dhiibay Neymar hadana da’yarka reer Brazil kubadii loo dhiibay banaanka ayuu mariyay daqiiqadii 74-aad ee ciyaarta.

Lionel Messi ayaa iska lumiyay fursad uu gool kaga dhalin lahaa Real Madrid markii uu kubad qurux badan ka helay Neymar, si fiican ayuu u xariiftamay balse daafaca ayuu ku garaacay daqiiqadii 76-aad ee ciyaarta.

Karim Benzema ayaa u dhawaaday inuu barbaro u keeno Real Madrid daqiiqadii 79-aad ee ciyaarta, kubad xoogan ayuu goolka aadiyay inkastoo ay kusii dhacday Mascherano balse goolhaye Bravo ayaa iska badbaadiyay.

Goolhaye Iker Casillas ayaa badbaadiyay kubad halis aheyd oo gool noqon kartay Jordi Alba ayaana kubad ka helay xerada ganaaxa dhexdeeda balse ma suuragalin daqiiqadii 86-aad ee ciyaarta.

Messi ayaa sameeyay isku day fiican markii uu beegsaday goolka uu waardiyaha ka yahay Iker Casillas, Alba ayaa kubad usoo dhigay xerada ganaaxa balse kubadii uu goolka aadiyay Casillas ayaa ka beeniyay daqiiqadii 87-aad ee ciyaarta.

Real Madrid wiilasheeda ayaa u muuqday kuwo daalay dhamaadkii ciyaarta, ugu dmabeyntiina ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1, oo ay guusha ku raacday Barcelona.

Barcelona guushaan waxey ka saacideysaa iney hogaanka La Liga adkeystaan iyagoo ka fogaanaya Real Madrid oo kusoo xigta afar dhibcood ayeyna ka saramarayaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>