Wakiilka daafaca kooxda AS Monaco Aymen Abdennour ayaa u duulay magaalada Barcelona sii wada hadalo ula qaato kooxda reer Spain.
Aymen Abdennour ayaa suuqa Yurub yaalo waxaana lala xariirinaa kooxaha ugu caansan Yurub madaama uu ka dhawaajiyay inuu kooxdiisa Monaco isaga hayaamayo.
Sida ay baahisay jariirada L’Equipe Abdelkader Jilan oo ah wakiilka Aymen Abdennour ayaa Catalunya soo gaaray wuxuuna haatan wada hadalo meel wanaagsan maraayo kula jiraa maamulka Barcelona.
25-jirkan waxaa lagu qiimeeyaa €10m wuxuuna dhawaan ka gaabsaday dalabyo ka soo gaareen kooxaha AC Milan, Liverpool iyo Dortmund kadib markii uu maqlay in Barcelona ay saxiixiisa xiiseyneyso.
Qorshaha Barcelona wuxuu yahay inay xagaagan iibsato Abdenour balse ay qaab amaah ah ku siiso kooxdiisa Monaco mudo lix bilood ah kadibna uu horaanta sanadka cusub dib ugu soo laabto garoonka Camp Nou.
Inkastoo Barcelona ay suuqa Yurub ka ganaaxan tahay waxay kooxdan dhawaan lasoo saxiixatay xidigaha kala ah Aleix Vidal iyo Arda Turan haatana Aymen Abdenour ayay kusoo kordhin doontaa garoonka Camp Nou.