Home » Horyaalada » La Liga Spain » Barcelona Oo Isha La Raaceyso Marco Verratti Hadii Ay Ku Guul Dareesato Saxiixa Paul Pogba

Barcelona Oo Isha La Raaceyso Marco Verratti Hadii Ay Ku Guul Dareesato Saxiixa Paul Pogba


Marco Verrati

Wararka ka imaanayo dalka Spain ayaa sheegayo in kooxda Barcelona ay la xariirtay xidiga khadka dhexe kaga cayaaro naadiga PSG Marco Verratti.

Macalin Luis Enrique ayaa xidigan dhalinta yar taageero u ah wuxuuna doonayaa inuu booska Xavi galiyo sidoo kalena uu khadka dhexe ku aamino xili cayaareedka dambe.

Balse Mundo Deportivo ayaa sheegay in Barcelona qorshaheeda kowaad uu yahay Pual Pogba sidoo kalena ay lacago badan ku dooneyso.

Hadii ay saxiixa Pogba kala heshiin weyso naadiga Juventus waxay Barcelona markaas diirada saari doontaa qaabkii ay Marco Verratti xagaagan kala soo wareegi laheyd naadiga Paris.

Marco Verratti ayaa ah xidig muhiim u ah kooxda PSG sidoo kalena caafimaadkiisa wanaagsan yahay madaama uu kooxdiisa u saftay 32-ka mid ah 38-kulan oo ay xili cayaareedkii dhawaa Ligue 1 France cayaartay.

Balse Barcelona qiimo jaban kuma heli doonto 23-jirkan oo ay kooxdiisa Paris horey u sheegtay inay ku dooneyso in ka badan 45-milyan oo euro ah.

Sidoo kale Marco Verratti kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ayaa dabagal ku hayaan madaama la sadaalinaa inuu xagaagan caasimada France isaga hayaami doono.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>