Home » Europe » Champions League » Barcelona Oo Iyadoo Marti Ah Garaacday PSG Xilli Suarez Iyo Neymar Oo Kala Qeybsadeen Goolasha

Barcelona Oo Iyadoo Marti Ah Garaacday PSG Xilli Suarez Iyo Neymar Oo Kala Qeybsadeen Goolasha


BarcaSadex gool oo ay kala dhaliyeen wiilasha reer Latin America Suarez iyo Neymar ayaa Barcelona ka saaciday iney iyadoo marti ah guul ku gaarto magaalada Paris.

Barca ayaana 3-1 ku garaacday kooxda Barcelona iyadoo hal lug la gashay Semi finalka koobka horyaalada yurub, walow lug labaad lagu ciyaari doono Camp Nou.

Javier Pastore ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo daqiiqadii 7-aad ee ciyaarta kooxda PSG, kadib markii uu kubad qurux badan ka helay Maxwell, si qurux badan ayuu rabay inuu u dhameestiro balse lugaha ayuu isal dhaafay.

Lionel Messi ayaa sameeyay isku day qurux badan markii uu kubad ka laaday afka hore xerada ganaaxa, balse kubadii uu tuuray birta ayaa ka beenisay daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta.

Daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta ayey heshay Barcelona heshay goolka hogaanka u dhiibay Neymar JR ayaana si qurux badan shabaqa ugu hubsaday isagoo kubad dhex dhiib ah ka helay Messsi.

Dhibaatada PSG ee dhaawaca ayaa sii baahay madama Thiago Silva uu dhaawac soo gaaray, waxaana lagu badalay David Luiz  daqiiqadii 20-aad.

Paris Saint Germain ayaa heshay weerar gaadmo ah, Lavezzi ayaa kubad meel dheer uga gudbiyay Cavani, balse xidiga reer Uruguay waxaa kubada ka difaacay Mascherano.

Mar kale Edinson Cavani ayaa isku day fiican sameeyay markii uu goosha aadiyay karoos ka yimid Maxwell, Mascherano ayaa ciriiriyay balse kama joojin inuu goolka kubada u gudbiyo Stegen ayaana qabsaday daqiiqadii 35-aad.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1, oo ay ku hogaamineyso Barcelona oo marti ku aheyd Parc des Princess.

Qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo PSG ay dardar lasoo gashay, Javier Pastore ayaa tijaabiyay goolka Barca markii uu kubad xoog badan ka tuuray banaanka xerada ganaaxa daqiiqadii 49-aad, balse goolhaye Stegen ayaa iska saaray.

Mar kale Paris Saint Germain ayaa halis galisay goolka Barcelona, markii Adrian Raboit uu haweestay goolka balse kubad joog hoose aheyd goolhaye Stegen ayaa qabsaday daqiiqadii 51-aad ee ciyaarta.

Luis Suarez ayaa sii murjiyay xaalada Paris Saint Germain oo raacdo ugu jirtay iney barbaro la timaado iyadoo gurigeeda joogta, si qurux badan ayuu ku dhaafay David Luiz, Marquinhos isagoo si awood leh kubad shabaqa u dhex dhigay daqiiqadii 67-aad ee ciyaarta.

Edinson Cavani ayaa damcay inuu u jawaabo wiilka ay dhalashada wadaagan ee Suarez, markii uu daqiiqad kadib goolka labaad qatar galiyay goolka Barca, balse goolhaye Stegen ayaa ka badbaadiyay.

Lionel Messi ayaa helay fursad goolka u furneed isaagoo ku sugan xerada ganaaxa, balse isku daygiisii waa dhicisobay madama uu hawada mariyay.

Luis Suarez ayaa dilay rajadii PSG ee ciyaarta markii uu goolkii sadexaad ka dhaliyay daqiiqadii 78-aad ee ciyaarta, kubad qurux badan ayuuna shabaqa Sirugu uu waardiyaha ka ahaa dhex dhigay isagoo si qurux badan uga soo xariifamay David Luiz.

Paris Saint Germain ayaa heshay goolka calanka daqiiqadii 82-aad ee ciyaarta, Gregory van der Wiel ayaa kubad awood leh ku tuuray goolka Barca, balse Mathieu ayaa kubada u sahlay iney shabaqa si fiican u gasho madama uu isku saray.

Lavezzi ayaa lagu riday xerada ganaaxa Barca, balse looma qaban madama Cavani uu fursad ku helay goolka, Mathieu ayaase ka diiday iuu kubadii uu tuuray ay goolka gaarto, PSG ayaana u dhawaatay iney gool labaad hesho.

Lionel Messi ayaa u dhawaaday inuu dhaliyo goolkii afaraad ee Barcelona markii uu laad xor ah halis ku galiyay goolka PSG, balse goolhaye Sirugu ayaa iska saaray.

Natiijada ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-1 oo ay gusha ku raacday Barcelona, taasoo ka dhigan iney guul weyn gaartay madama iyadoo marti ah ay awood sheegatay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>