Home » Horyaalada » La Liga Spain » Barcelona Oo Ku Guuleesatay Saxiixa Xidiga Reer Brazil Gerson Kana Tirsan Naadiga Fluminens

Barcelona Oo Ku Guuleesatay Saxiixa Xidiga Reer Brazil Gerson Kana Tirsan Naadiga Fluminens


Gerson

Shabakada Sport ayaa sheegtay in kooxda Barcelona ay heshiis la gaartay xidiga reer Brazil Gerson ee khadka dhexe kaga cayaaro naadiga Fluminens.

Xidigan dhalinta yar ayaa garoonka Camp Nou imaan doono horaanta sanadka 2016 waana xiliga naadiga Barcelona laga qaadi doono xanibaada ka saaran suuqa Yurub.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Barcelona ay Gerson kusoo qaadan doonto €7 million sidoo kalena €3m gadaal ayay ka bixin doontaa taasi oo ka dhigan in naadiga Flumines  ay dhanka Barcelona ka heli doonto €10m.

Sidoo kale wakiilka Gerson oo lagu magacaabo Jorge Machado ayaa shabakada Sport u xaqiijiyay heshiiska uu xidigan Barcelona la gaaray wuxuuna yiri “Barcelona iyo Fluminese heshiis ayay wada gaareen waxaana rajeynaa in horaanta sanadka dambe Gerson usoo baqooli doono dalka Spain”

18-jirkan khadka dhexe ka cayaaro ayaa ka tirsan xulka Brazil ee da’dooda ka hooseyso 20-sano wuxuuna sanadkan 2014 wacdaro ka dhigay gudaha dalka Brazil taasi oo keentay inuu bandhigiisa wanaagsan kooxda Barcelona kusii jiito.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>