Home » Horyaalada » La Liga Spain » Barcelona oo Laba Xidig Midkood Kasoo Qaadaneysa Horyaalka Ingiriiska Si Uu Badal Ugu Noqdo Adriano

Barcelona oo Laba Xidig Midkood Kasoo Qaadaneysa Horyaalka Ingiriiska Si Uu Badal Ugu Noqdo Adriano


Moreno

Sida ay qortay Mundo Deportivo kooxda ka dhisan Camp Nou ayaa dooneysa iney soo xerogaliso midkood Alberto Moreno iyo Jan Vertonghen si uu badal ugu noqdo daafaca reer Brazil Adriano.

Adriano ayaa dhawaan lala xiriirinayay kooxda As Roma ee dalka talyaaniga waxaana la filayaa inuu dhawaan dhameystiro heshiiska uu kooxdaas caasimada ka dhisan ugu wareegayo.

Durba kooxdaan uu hogaamiyo Luis Enrique waxey isha ku dhufeen Moreno oo ka tirsan Liverpool iyo Vertonghen oo ka tirsan Tottenham.

Mundo Deportivo waxey qirtay in Alberto Moreno uu leeyahay qibrad horyaalka La Liga ah waana xidiga ugu haboon ee ay lasoo saxiixan karaan, sidoo kalana Vertonghen waa waaya arag awoodiisa adeegsan kara oo si qurux badan uga soo dhex muuqday EPL-ka.

Si kastaba ma jiro dalabyo rasmi ah oo ay kooxdaan u gudbisay mid ka mid ah xidigahaan balse Mundo Deportivo ayaa aaminsan in Bulgarana ay u dhaqaaqeyso saxiixa xidigahaas.

Ugu dambeyntii Barcelona waqti fiican ayey ku jirtaa waxeyna xagaagii dhamaaday ku guuleysatay koobabka Sadexleyda loo yaqaano.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>