Waxaa soo baxay warar hordhac ah in kooxda Barcelona ay haatan saxiixa Paul Pogba ku guuleesan rabto waana laacibka loogu doonista badan yahay qaarada Yurub xiligan la joogo.
Shabakada Sport ayaa sheegtay in Barcelona ay diyaar u tahay inay dhigeeda Juventus xagaagan ku wareejiso €70m balse 22-jirkan Juve ayuu lasii joogi doonaa inta ka harsan sanadkan madaama Barcelona suuqa Yurub ka ganaaxan tahay.
Juve ayaa qorshahaas soo dhaweesay waxayna ku faraxsan taha in xagaagan Pogba ay ku hesho lacagihii ay rabtay sidoo kalena mudo 6-bilood ahna uu qaab amaah kula joogo.
Barcelona waxaa u sahli doono saxiixa Pogba madaama laacibkan uu iska diiday dalab aad u sareeyo oo ay naadiga PSG usoo dirtay madaama uusan rabin inuu dib ugu laabto Ligue 1 France.
Sidoo kale kooxaha Chelsea, Man City iyo Man United ayaa ku raad joogaan laacibkan awooda badan balse haatan sida muuqato dhankaas iyo La Ligaha Spain ayuu Pogba boorsadiisa u xir xiran doonaa marka la gaaro horaanta sanadka cusub ee 2016 waana xilig laga qaadi doono Barcelona ganaaxa haatan suuqa Yurub ka saaran.