Kooxda Barcelona ayaa wada guusha dib ugu soo laabatay kadib markii ay 2-1 si dhib badan naadiga Almeria kaga badisay, waxaana kulankan bandhig aad u sareeyo caalamka tusay Luis Suarez.
Inkastoo xidiga reer Uruguay uusan wax gool ah kulankan ka dhalinin hadana isaga ayaa caawiyay ama dhiibay labada gool oo ay Barcelona guusha ku qaadatay.
Kooxda Almeria ayaa la hormartay goolka waxaana u dhaliyay Thievy Bifouma daqiiqadii 37-aad wuxuuna xidigan markale muujiyay in daafaca Barcelona weli kala daadsan yahay.
Qaybtii hore kooxd Almeria ayaa hogaanka 1-0 ku heesay waxayna kooxdan madax xanuun ku riday macalin Luis Enrique oo ku qasbanaaday qaybtii labaad inuu badal ku sameeyo shaxdiisa.
Neymar ayaa badal kusoo galay kulankan qaybti labaad waxaana xidiga reer Brazil u suura gashay inuu goolka Barcelona kasoo gudo daqiiqadii 73-aad ayuuna cayaarta 1-1 ka dhigay wuxuuna baas wanaagsan ka hela Suarez oo kubada kasoo dhigay dhanka garabka midig.
Kooxda Almeria ayaa niyad jabtay waxaana goolka guusha Barcelona u dhaliyay daafaca garabka bidix Jordi Alba daqiiqadii 82-aad xidigan ayaa madaxa ku dhaliya karoos aad u macaan oo uu dhanka midig kasoo digay Luis Suarez.
Barcelona ayaa 2-1 guusha ku qaadatay waxaana macalin Enrique ka dagay culeeskii saarnaa madaama tababarahan iyo kooxdiisa labadii kulan ee ugu dambeesay ay guuldaro xariir ah La Ligaha Spain kala kulmeyn kooxaha Real Madri iyo Celta Vigo.
Lionel Mess isagana uma suura galin inuu jebiyo rikoorka laacibka Spain ugu goolasha badan madaama uu gool la’aan baxa xidiga reer Argentina ayaa ku qasban inuu sugto kulamada xiga ee la cayaari doono La Ligaha Spain.