Home » Maxaa Cusub » Barcelona Oo Soo Bandhigtay Qorshe Ay Si Layaab Leh Beeca Xorta Ah Ugu Dooneyso Jordan Henderson

Barcelona Oo Soo Bandhigtay Qorshe Ay Si Layaab Leh Beeca Xorta Ah Ugu Dooneyso Jordan Henderson


Gerrard-Henderson

Sida ay qoreen warbaahinta Spain, kooxda Barcelona ayaa dooneysa iney beeca xorta ah kula wareegto xidiga khadka dhexe kooxda Liverpool Jordan Henderson.

Inkastoo la rajeynayo Henderson inuu badal u noqdo Steven Gerrard oo dhamaadka xagaagan ka huleeli doona Anfield Road, hadana warbaahinta Spain ayaa sheegaya in xidigaan uu heshiiskiisa kaga haray 18-bilood isla markaana ay rajo ka qabaan iney bisha January ee soo aadan la saxiixdaan.

In heshiis cusub ay Liverpool ka saxiixdo waa suuragal balse El Mundo Deportivo ayaa sheegeysa in Barca ay xidigaan isha ku heyso.

Wararka xanta ah ee arintaan ku aadan ayaa sii baahaya, iyadoo ay intaas ku darayaan in Bulgarana ay gudi soo qiimeeya xaaladiisa u direysay isbuucyadii lasoo dhaafay xidigaan.

Ugu dambeyntii Liverpool waxey dooneysaa iney hesho badalka Xavi Hernandez oo aad moodo inuu kasii dhamaanyo kubada cagta yurub.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>