Inkastoo Bastian Schweinsteiger uu mudo 13-sano ah Bayern Munich si joogto ah ugu cayaarayay sidoo kalena uu kula guuleestay 8-horyaal hadana xidigan go’aan adag ayuu xagaagan qaadan doonaa.
Laacibkan waaya araga ah ayaa ka gadoodsan qorshaha macalin Pep Guardiola wuxuuna doonayaa inuu dalabka Man United aqbalo.
Bastian Schweinsteiger ayaa ku faraxsan inuu lasoo xariiro macalin Luis Van Gaal oo ay saaxiibo yihiin sidoo kalena laacibkan baray booska khadka dhexe ee uu maqaam sare kubada kaga gaaray.
Wargeska The Bild ayaa sheegay in marka uu xidigan fasaxa kasoo laabto horaanta bisha July ay u badan tahay inuu kooxdiisa Bayern Munich fasax weydiisto sidoo kalena uu qiimo jaba kaasi oo lagu qiyaasayo 10-milyan oo euro ah inuu kooxda Man United uga mid noqdo.
Sidoo kale Dietmar Hamman oo ah halyee xulka Jarmalka usoo cayaaray kana faaloodo kubada cagta ayaa xusay in xidigan uu hubo inuu xagaagan Premiership-ka England usoo dhaqaaqo doono madaama uusan kalsooni weyn ka heesanin macalin Guardiola.
Bastian Schweinsteiger ma doonayo inuu xili cayaareedka dambe kursiga keydka Bayern Munich uu fariisto sidaa darteed xidigan dalabka kooxda Man United ayuu si dhaqsi ah kaga faa’iideesan doonaa.