Home » Horyaalada » Bundesliga » Bastian Schweinsteiger Oo Ku Faraxsan Inuu Taariikhda Bayern Munich Baal Dahab Ah Ka Galay

Bastian Schweinsteiger Oo Ku Faraxsan Inuu Taariikhda Bayern Munich Baal Dahab Ah Ka Galay


shcweinsteiger-trophy

Halyeega xulka Jarmalka iyo kooxda Bayern Munich Bastian Schweinsteige ayaa ku faraxsan inuu taariikhdka Bayern Munich baal dahab ah ka galay.

Xidigan waaya araga ah kulankii ugu dambeeyay ee uu xili cayaareedkan Bayern u saftay cayaar ay 2-0 kaga badiyeen naadiga Mainz wuxuu u ahaa kulankiisii 500-aad ee uu Bayern u safto.

13-sano ka hor asigoo 18-sano jiro ayuu Bastian kulankiisii ugu horeeyay Bayern u saftay waxaana maanta u suura gashay inuu noqday cayaaryahanka 8-aad ee ugu safashada badan taariikh ahaan Bayern Munich.

Hadaba mudada 12-sano iyo barka ah ee uu xidigan maaliyada Bayern Munich xiran yahay wuxuu kooxdiisa kula guuleestay 20-koob oo kala ah: 8-Bundesliga, 7-DFB Cup, 2-DFL Super Cup, 1-Champions League, 1- FIFA Club World Cup iyo 1-UEFA Super Cup.

Hadaba guud ahaan hoos kaga bogo 500-kulan ee uu Bastian u saftay kooxdiisa dhamaan tartamada kala duwan:

Tartan Kulamo
Bundesliga 324
DFB Cup 47
Champions League 89
Champions League isreeb reebkiisa 2
UEFA Cup 12
League Cup 6
German Super Cup 2
Wadarta Guud 500-kulan
CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>