Home » Horyaalada » Bundesliga » Bayern Munich Oo Diyaar U Ah Inay Mid Ka Mid Ah Xidigaheeda Man United Ku Wareejiso Si Ay Di Maria Kaga Hesho

Bayern Munich Oo Diyaar U Ah Inay Mid Ka Mid Ah Xidigaheeda Man United Ku Wareejiso Si Ay Di Maria Kaga Hesho


angel-di-maria-513797

Sky Deutschland ayaa shaaca ka qaaday warar hordhac ah kaasi oo ku saabsan in kooxaha Man United iyo Bayern Munich ay xagaagan cayaartooy is dhaafsan doonaan.

Madaama Man United ay lasoo wareegtay xidiga naadiga PSV Memphis Depay waxay kooxdan u badan tahay inay xagaagan iska fasaxdo Angel Di Maria oo ay lacago badan kusoo iibsatay 12-bilood ka hor.

Hadaba kooxda Bayern Munich ayaa dooneyso in Angel Di Maria qaab amaah ah lagu siiyo hadii uu anfacana ay si toos ah u iibsato.

Balse Sky Deutschland ayaa sheegay in Man United ay dalab amaah ah naadiga PSG ka diiday sidaa darteed Bayern waxay ku qasbanaan doontaa mid ka mid ah xidigaheeda ugu muhiimsan inuu heshiiskan qayb ka noqdo.

Macalin Pep Guardiola ayaa doonayo inuu Bastian Schweinesteiger ku wareejiyo Man United si Angel Di Maria uu si sahlan gacanta ugu soo dhigo.

Macalin Luis Van Gaal dhankiisa diyaar ayuu u yahay inay macaamil wanaagsan wada furtaan kooxda Bayern Munich waayo tababarahan ayaa doonayo xagaagan inuu isagana naadiga reer Jarmal kasoo iibsado Thomas Muller.

Hadaba waxay u badan tahay labadan koox in xagaagan ay dib u bilaabeen qorshe noqon doono midka ugu hadal heynta badan qaarada Yurub

 

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>