Home » Horyaalada » Bundesliga » Bayern Munich Oo Dooneysa Iney La Saxiixato Daafaca Midig Ee Kooxda Blues Branislav Ivanovic

Bayern Munich Oo Dooneysa Iney La Saxiixato Daafaca Midig Ee Kooxda Blues Branislav Ivanovic


Ivanovic.

Sida ay qortay Daily Star kooxda Bayern Munich ayaa isha ku heysa saxiixa daafaca midig ee kooxda Chelsea iyo Xulka Qarank Serbia Branislav Ivanovic.

Ivanovic ayaa ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan kooxda wuxuuna sanadii 2008 kaga yimid horyaalka Ruushka, si kastaba Blues ayaa doorbideysa iney xidigaan tayada wanaagsan ay heshiis cusub oo sade sano ah ka saxiixdo isagoo isbuucii qaadan doona 90,000 kun Pound.

Sharciga kooxda Blues ayaan aheyn in xidigii ka weyn 30-sano lagu abaalmariyo heshiis ka badan hal sano, balse Abramovic markaan wuxuu diyaar u yahay in Ivanovic madaxiisa uu u burburiyo xeerka kooxda.

Bransilav Ivanovic waa 31-jir balse u shaqo badan sida da’yarta, waxaana xidigaan damcay Pep Guardiola oo doonaya inuu ka ciyaarsiiyo daafaca midig madama Lahm uu badi ka ciyaaro khadka dhexe.

Ugu dambeyntii Jose Mourinho ayaan dooneyn in Ivanovic uu ka hayaamo kooxda madama xidigaan uu leeyahay tayo lagu amaani karo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>