Home » Horyaalada » Bundesliga » Bayern Munich Oo Gaartay Guul Awood Ku Dheehan Kadib Markii Ay Si Fudud Ku Dhaaftay Kooxda Hoffienhem

Bayern Munich Oo Gaartay Guul Awood Ku Dheehan Kadib Markii Ay Si Fudud Ku Dhaaftay Kooxda Hoffienhem


FC

Macalin Pep Guardiola iyo kooxdiisa Bayer Munich ayaa dib usii amba qaadeen guusha ay dhaawanahan ku horkacayeen Bundesligaha Jarmalka.

Waxayna Bayern Munich 4-0 ku suul daartay naadiga Hoffeinham, kulankan xiisaha badan ayaa ka dhacay garoonka Allianza Arena weliba Robben, Gotze iyo Lewandowski ayaa shabaqa soo taabteen.

Madaama Lahm dhaawac mudo dheer garoomada kaga maqnaan doono waxaa kabtanimada kulankan xirtay goolhaye Manuel Neuer.

Bayern goolaka kowaad waxaa lood awood badan ugu dhaliyay Mario Gotze daqiiqadii 23-aad, sidoo kale Robben ayaa kasoo shaqeeyey goolka labaad ee uu madaxa ku dhaliyay Roberto Lwandowski daqiiqadii 40-aad waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku keesay Bayern.

Inkastoo Bayern ay fursado badan abuurtay qaybtii labaad sidoo kalena kooxda Hoffeinhem iyadana kubad adag la imaada hadana Arjen Robben ayaa cayaarta 3-0 ka dhigay daqiiqadii 82-aad wuxuuna dhaliyay gool aad u qurxoon asigoo baas wanaagsan ka helay Lewandowski.

Bastian Schweinester oo badal kusoo galay qaybtii labaad sidoo kalena ay u ahayd kulankii ugu horeeyay ee uu xili cayaareedkan Bayern u safto ayaa goolka 4-aad u baasay Sebastian Rode Rode daqiiqadii 86-aad.

Waxyna Bayern guusha ku qaadatay 4-0 sidoo kalena macalin Pep Guardiola ayaa natiijadan ku farxay waayo kooxda Wolfsburg oo Bayern kusoo xigtay iyadana guul daro 3-2 waxay kala kulantay naadiga Schalke.

Sida darteed Bayern ayaa haatan Bundesligaha ku horkaceyso 7-dhibcood waxaana wareega hore ka harsan 5-kulan oo qura.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>