Home » Horyaalada » Bundesliga » Bayern Munich Oo Gaartay Guusheedii Ugu Horeesay Sanadkan 2015 Kadib Markii Ay Si Sahlan Ku Martay Naadiga Stuttgart.

Bayern Munich Oo Gaartay Guusheedii Ugu Horeesay Sanadkan 2015 Kadib Markii Ay Si Sahlan Ku Martay Naadiga Stuttgart.


robben

Macalin Pep Guardiol ayaa ku farxsay in kooxdiisa ay ka baxday xaaladii dhibka badneed kadib markii ay gaareen guushii ugu horeesay sanadkan 2015, waxayna Bayern 2-0 guusha kaga qaadatay naadiga Stuttgart.

Kulankan xiisaha badan ee ka dhacay garoonka Mercedz Benz ee naadiga Stuttgart ayaa waxba la iska qaadi waayay inta badan qaybtii hore madaama labadan koox ay cayaareen kubad qaab difaac ku dheehan.

Ugu dambeyntii daqiiqadii 41-aad Bayern goolkii ay u baahneed waxaa u dhaliyay Arjen Robben wuxuuna dhaliyay gool aad u qurxoon asigoo caawinaad ka helay xidiga dhalinta yar Mitchell Weiser.

Qaybtii hore Bayern oo 1-0 ku hogaamineyso ayaa lagu kala nastay waxaana tababare Pep Guardiola u suura gashay inuu xidigahiisa si wanaagsan ula soo dar daarmo.

Markii la isku soo laabtay kooxda Bayern ayaa hogaanka sii dheereesatay waxaana cayaarta 2-0 ka dhigay David Alaba oo daqiiqadii 51-aad dhaliyay laad xor ah asigoo goosha Stuttgart kasoo toogtay meel u jirto 25-yard.

Bayern waxaa u suura gashay inuu cadaadiska ka dago madaama ay hogaanka kulankan u heesay waxayna kooxdan inta badan kubada heesatay qaybtii labaad ayadoo hadafkeeda ahaa inay goolasheeda ilaashato.

Macalin Pep Guardiola ayaa ku guuleestay inuu Bayern dib ugu soo celiyo wadada guusha waayo labadii kulan oo ay horey u cayaartay sanadkan Bundesligaha mid waa laga badiyay halka midka kalena ay bar bar dhac gashay.

Ugu dambeyntii Bayern ayaa guusha ku qaadatay 2-0 waxaana u suura gashay kooxdan inay hogaanka weli ku heyso 8-dhibcood madaama kooxda Wolfsburg oo iyadana kaalinta labaad fadhiso ay guuleesatay.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>