Bayern Municha aya si sahlan ku gaartay wareega sideeda tartanka Champions League markii ay nus darsan goolal ka badan ku xasuuqday Shakhtar Donetsk oo bilowgii ciyaarta laga saaray Oleksandr Kucher.
Shakhtar iyo Bayern ayaa barbaro gool la’aan ah kusoo galay Ukraine bishii hore, balse lagama yeelin kooxda reer Ukraine si nadiif ah ayaa loo rebay.
Thomas Muller ayaa bilaabay bandhiga goolasha markii rigoore lagu abaalmariyay daqiiqadii 4-aad ayuuna dhinac qaldan u diray goolhayaha.
Jerome Boateng ayaa hogaanak u dheereeyay Bayern Munich daqiiqadii 34-aad ee ciyaarta isagoo caawinaad ka helay xidiga reer Poland Robert Lewandowski.
Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-0, oo ay ku hogaamineyso kooxda martida loo ahaa ee Bayern Munich, sidoo kalana waxaa xusid mudan in ciyaarta dhaawac dhanka muruqa ah awgeed looga saaray Arjen Robben waqtigii hore ciyaarta.
Qeybtii labaad markii la isku soo laabtay Franck Ribery ayaa goolkii sadexaad ugu shubay Shakhtar markii uu kubad ka helay David Alaba.
Waqti aan ka fogeen goolka Ribery, xidigii goolasha bilaabay Muller ayaa quus istaajiyay kooxda reer Ukraine markii uu dhaliyay goolkii afaraad.
Holger Badstuber, Lewandowski iyo Goetze ayaana sadex gool raacsaday kuwaas oo ciyaarta ka dhigay iney 7-gool Bayern ku xasuuqdo Shakhtar Donets.
Ugu dambeyntii kooxda Bayern ayaa u gudubtay wareega quater finalka tartankaan iyadoo la midowday kooxaha Porto iyo Real Madrid oo xalay soo gudbay.