Wararka laga helaayo dalka Jarmalka ayaa sheegayo in kooxda Bayern Munich y diyaar u tahay inay dhigeeda PSG kala xaajooto qaabkii looga iibin lahaa daafaca dhalinta yar Marquinhos.
Maalmihii ugu dambeesay suuqa Yurub waxaa lagu hadal haayay in kooxda Man United ay xidigan iibsan rabto balse haatan warar cusub ayaa sheegayo in Bayern Munich ay ahmiyad gaar ah siin doonto soo xero galinta Marquinhos.
Bayern Munich ayaa diyaar la ah £20 million waxayna dooneysaa inay saxiixa Marquinhos kaga guuleesato naadiga Man United oo baahi weyn u qabto saxiixa daafacan tayada wanaagsan.
20-jirkan kooxdiisa Paris waxay diyaar u tahay inay iska iibiso inta uu haatan suuqa Yurub furan yahay madaama uu diiday inuu kursiga keydka usii fadhiyo David Luiz iyo Thiago Silva.
Marquinhos heshiiska uu PSG kula jiro ayaa ku eg ilaa sanada 2018 sidaa darteed kooxda reer France wax cadaadis ah ma saarno waxayna soo dhaweesay loolanka ka dhaxeeyo Bayern iyo Man United si ay lacago badan uga hesho iibinta Marquinhos.
PSG ayaa sanadii 2013 kooxda Roma kaga soo iibsatay xidigan dhalinta yar €31.4 million sidaa darteed waxay ku rajo weyn tahay lacagihii kaga baxay soo xerinta Marquinho inay ka heli doonto Bayern ama Man United midkood.