Bayern Munich ayaa soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Borussia Dortmund Ilkay Gundogan, sida ay sheegayaan warbaahinta Jarmalka.
The BILD ayaa sheegtay in Bayern Eydooneyso in ay badal uga dhigto 24 jirkaan heerka caalami Bastian Schweinsteiger iyo Xabi Alonso Oo hada kusugan Allianz Arena.
Gundogan manoqondoono ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Dortmund uciyaara kuna biira Bayern, iyadoo Mario Gotze iyo Robert Lewandowski ay horay ugu biireen kooxda heysata horyaalka Bundesliga ee sannadihii la soo dhaafay.
Gundogan,Ayaa dhawaanahaan iska diiday in uu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa isagoo si xoogan loola xiriirinaayey inuu u dhaqaaqomidkood Manchester United, Arsenal, Atletico Madrid iyo Real Madrid.
Ugudambayntii macadda mustaqbalka Ciyaaryahanka Khadka Dhexe Ee Borussia Dortmund Ilkay Gundogan waxaana Suurta gal ahin uu udhaqaaqo midkood Manchester United iyo REAL MADRID oo siwayn loola xiriirinayo .