Idaacada BBC-da ayaa ogaatay xiliga ugu macquulsan ee gudoonka FIFA qaban doonaan doorasho madaxeed lagu dooran doono shaqsiga badalayo Sepp Blatter.
Hogaanka Sepp Blatter oo haatan 17-sano jirsaday ayaa soo afjarmi doono madaama uu masuulkan dhawaan ka dhawaajiyay inuu iska casilay hogaaminta xiriirka kubada cagta aduunka.
Sidaa darteed BBC-da ayaa ogaatay in FIFA ay qaban doono doorasho loo wada dhan yahay 16-ka bisha December ee isla sanadkan waxaana lagu dooran doonaa masuulkii Blatter badali lahaa.
Sidoo kale xogtaan waxaa lagu sheegay in 209-dal ee FIFA matalaan dhamaan lagu martiqaadi doono doorshadan si loo dhiso hogaan adag oo caalamka isku raacsan yihiin.
Sepp Blatter oo 79-jir ah ayaa si waji gabaxnimo ku dheehan xilka FIFA isaga casilay inkastoo bishii May uu ku guuleesatay doorashadii la qabtay.
Sepp Blatter iyo shaqsiyaadka aadka ugu dhow ee FIFA kala shaqeeyaan ayaa lagu soo eedeeyay musuq maasuq xoogan kaasi oo ilaa haatan baaritaankiisa socdo.
Hadaba bisha December marka la isugu imaado waxaa isi soo taagi doonaan musharaxiin badan balse ilaa haaatan Amiir Ali bin al-Hussein oo dhawaan doorashada Blatter kaga guuleestay ayaa la hubaa inuu markale madaxa ugu sareeyo FIFA usoo tartami doono.