Home » Maxaa Cusub » Belgiumka Oo Kaalinta 2-aad Kala Baxay Argentina Qiimeynta Bilaha Ee FIFA Xili Italy & England Laga Waayay Tobanka Sare

Belgiumka Oo Kaalinta 2-aad Kala Baxay Argentina Qiimeynta Bilaha Ee FIFA Xili Italy & England Laga Waayay Tobanka Sare


Belgium
Xulka Belgiumka ayaa booska labaad kala baxay dhigiisa Argentina qiimeynta bilaha ee FIFA oo maanta lasoo saaray.

Marc Wilmots wiilashiisa ma aysan ciyaarin dhawanahan, balse Axada waxey kulan saaxibtinimo la yeelan doonan Faransiiska halka ay Jimcaha xiga kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2016 la yeelan doonan Wales.

Labada xul ee Belgium iyo Wales waxey wadaagaan min 11-dhibcood, inkastoo farqiga goolasha ay hogaanka ugu hayaan groupka B xulka Belgiumka.

Colombia ayaa soo istaagtay booska afaraad iyadoo ka sareysa Brazil oo shanaad fadhisa, waxaana tobanka sare buuxinaya France, Uruguay, Portugal, Netherland iyo Spain .

Si kastaba liiska tobanka sare waxaa laga waayay Italy oo u dhacday booska 13-aad iyo England oo joogta booska 15-aad.

Ugu dambeyntii Madagascar ayaa la kulmay hoos u dhacii u xumaa madama uu fadhiyay booska 37-aad wuxuuna u dhacay booska 113-aad, waxaana ka daran xulka Maldives oo iyagoo jooga booska 38-aad u dhacay booska 178-aad.

Fifa rank

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>