Home » Maxaa Cusub » Benzema, Paul Pogba Iyo Gary Cahill Ayuu Macalin Wenger Kusoo Iibsan Doonaa £200m Ee Qasnada Ugu Jirto

Benzema, Paul Pogba Iyo Gary Cahill Ayuu Macalin Wenger Kusoo Iibsan Doonaa £200m Ee Qasnada Ugu Jirto


arsenal

Agaasimaha Arsenal Lord Harris ayaa suuqa Yurub qal qal weyn ku abuuray madaama uu si rasmi ah u sheegay in kooxdiisa £200m ee qasnada ugu jirto ay suuqa Yurub ku qarash gareen doonaan.

Sidaa darteed wargeska Daily Mail ayaa soo shaac bixiyay xidigaha Arsenal ay £200m kusoo iibsan doonto xagaagan waxaana lagu sheegay inay kala yihiin Karim Benzema, Paul Pogba Iyo Gary Cahill.

Arsenal waxay u baahan tahay weeraryahan tayo wanaagsan, daafac dhexe iyo xidig khadka dhexe ku haboon waxaana shaqadaas qaban karaan Benzema, Paul Pogba Iyo Gary Cahill.

Hadii Chelsea ay lasoo saxiixato John Stones waxay Arsenal ku rajo weyn tahay inay £15m kusoo iibsato Gary Cahill oo aan diyaar u ahayn inuu kursiga keydka fariisto.

Karim Benzema dadaal xoogan ayay ugu jirtaa inay Arsenal xagaagan lasoo saxiixato wuxuuna wargeska Marca sheegay in Arsenal ay bisha August gudaheeda Benzema kusoo qaadan doonto £32m madaama 27-jirkan uusan kalsoonu ka heesanin macalin Rafa Benitez.

Arsenal awoodeeda dhaqaale waxay u adeegsan doontaa inay Paul Pogba lasoo saxiixato weliba £71m inay xidigan awooda badan kula soo wareegto.

Lacagaha Arsenal Pogba ku dooneyso ma ahan mid Juve diido karto waana qiimahii ugu sareeyay ee xagaagan naadi ku baadi goobto laacibka reer France.

Pogba diyaar ayuu u yahay inuu Premiership-ka England kusoo laabto sidoo kalena uu ka hoos shaqeeyo macalin Arsene Wenger.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>