Home » Horyaalada » italian Serie A » Berlusconi Oo Aqbalay Inuu 75% Ka Iibiyo Niman Chinese Ah Saamiga Kooxda AC Milan

Berlusconi Oo Aqbalay Inuu 75% Ka Iibiyo Niman Chinese Ah Saamiga Kooxda AC Milan


menez

Wararka laga helaayo xarunta kooxda AC Milan ayaa sheegayo in milkiilaha kooxda Silvio Berlusconi oo uu aqbalay inuu 75% saamiga Milan ka iibiyo shirkad reer Chinese ah.

Sidoo kale waxaa la sheegay in labada dhinac ay haatan heshiis wada gaareen balse arinkan si rasmi ah loogu dhawaaqi doono bilaha nagu soo fool leh ama marka uu xili cayaareedkan dhamaado.

Qiimaha lagu iibsaday Milan ayaa lagu sheegay €1 billion sidoo kalena wuxuu Berlusconi ku guuleestay inuu maal galiyayaasha cusub ka dhaadhacsiiyo in gabadhiisa Barbara Berlusconi ay sii ahaato madaxa ugu sareeyo Milan si ay shaqada horey ugu sii socoto.

Shirkada Milan maal galin doonto ayaa dooneyso inay kooxda dib u dhis xoogan ku sameyso sidoo kalena ay ka caawiso garoonka haatan Milan dhisaneyso.

Waxaana lagu wadaa in maal galiyayaasha reer China ay dhankooda macaash badan ka helaan Milan mudo gaaban hadii ay kooxda dib ugu soo laabato tartamada Yurub iyo garoon u gaar ah hadii ay yeelato sanadaha nagu soo fool leh.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>