Kooxda Borrusia Dortmund ayaa ku wargalisay dhigeeda Arsenal ineysan diyaar u aheyn iney noolaato la’aanta xidigooda Pierre-Emerick Aubameyang.
Bild ayaa shaacisay bilowgii xagaagii hore in Gunners ay ku raad joogto weeraryahankaan reer Africa, balse sida ay qortay Kicker gudoomiyaha kooxda Michael Zorc ayaa shaaca ka qaaday inuusan rajeyneynin in Pierre-Emerick Aubameyang uu ka tago kooxda.
“Pierre-Emerick Aubameyang waa xidig ka tirsan Borrusia Dortmund mana jiro qorshe aan ku iibineyno” ayuu yiri Micheal Zorc.
Sidoo kale Michael Zorc ayaa shaaca ka qaaday iney jiraan xidigo waaweyn waaweyn oo xagaagan la filayo iney kooxda ka tagaan balse wax walba ay kala cadaan doonaan isbuuca soo aadan.
Mats Hummels & Ilky Gundogan ayaa la filayaa iney kooxda isaga tagaan xagaagan waxeyna kusii socdaan wadadii ay ku aadi lahaayeen horyaalada England iyo Spain.