Home » Maxaa Cusub » “Bixitaanka Jurgen Klopp Ee Bundesliga Waa Dhibaato” Sidaas Waxaa Aaminsan Halyeey Oliver Bierhoff

“Bixitaanka Jurgen Klopp Ee Bundesliga Waa Dhibaato” Sidaas Waxaa Aaminsan Halyeey Oliver Bierhoff


27992C7700000578-3039874-After_the_press_conference_Klopp_joined_the_Dortmund_squad_for_a-a-8_1429124507874

Halyeeygii hore xulka Jarmalka Oliver Bierhoff ayaa aaminsan in ka tagitaanka Jurgen Klopp ee kooxda Dortmund ay dhibnaato u tahay horyaalka Bundesliga madama uu xiiso beeli doono.

Sida la xaqiijiyay Arbacadii Jurgen Klopp ayaa isaga tagaya Signal Iduna Park marka uu dhamaado xagaagan kadib markii macalinka iyo maamulka kooxda ay isku afgarteen in la burburiyo heshiiska uu ninkaan kula jiray kooxda kaas oo ku ekaa June 2018.

“Hadii uu aado koox kale, sida la hubo waxey noqoneysaa wadan kale, England ayeyna ila tahay inuu yahay horyaalka ugu fiican dunida” Ayuu yiri Bierhoff.

“Aad baan uga xumahay arinkaan, wuxuu ahaa shaqsi ahaan nin aan caadi aheyn kuna wanaagsan shaqada Dortmund, waxeyna guuldaro u tahay Bundesliga”

“markaan iska hadlo 13-sano ayaan kasoo ciyaarayay dibada, taasna waxaa laga helaa qibrad”

Si kastaba wararka ka imaanaya Ingiriiska ayaa sheegaya in Klopp uu ku wajahan yahay kooxda Manchester City oo baahi u qabta badalka Pellegrini.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>