Home » Maxaa Cusub » Bobby Charlton “Cristiano Ronaldo Kubada Cagta Dalka Spain Heer Sare Ayuu Gaarsiiyay!”

Bobby Charlton “Cristiano Ronaldo Kubada Cagta Dalka Spain Heer Sare Ayuu Gaarsiiyay!”


cristiano-ronaldo-499-sir-bobby-charlton-next-to-cristiano-ronaldo-holding-the-fifa-balon-dor-2008-at-old-trafford

Halyeega kooxda Man United ku aftirsato Sir Bobby Charlton ayaa ka dhawaajiyay in La Ligaha Spain maanta heerka uu taagan yahay inu sabab u yahay Cristiano Ronaldo.

“Real Madrid iyo horyaalka Spain labaduba Ronaldo ayaa heer sare gaarsiiyay xidigan kaliya waxaa ka maqan inuu kulan walbo guuleesto midaasna horyaalka Spai iyo Real Madrid ayaa ka faa’iideen”

“Madaama uu xili cayaareedkii hore Madrid lugtiisa ugu qaaday koobka horyaalada Yurub wuxuu xidigan sababay in horyaalka Spain ay caaamka oo idil wada xiiseeyaan”

Bobby Charlton ayaa dhanka kale ugu baaqay Wayne Rooney inuu ku daydo Ronaldo sidoo kalena uu ku dadaalo inuu Man United hormuud ka noqdo.

“Wayne waa xidig tayo wanaagsan balse Ronaldo oo kale kubada uma cayaaro sidaa darteed waxaan ku boorin lahaa inuu wax walbo Cristiano kaga deydo si Man United guulo u gaarto sidoo kalena uu u hormariyo kubada horyaalka England oo haatan sii naxuuseyso”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>