Warar fool xun ayaa ka jira dalka Spain kadib markii Booliska ay dacwad kusoo oogeen wiil yar oo 17-jir ah oo faafiyay war ah inuu Bom ku qarxin doono garoonka Camp Nou.
Wiilkaan yar ayaa bogagga ay bulshada ku xariirto ee Internet-ka kusoo qoray inuu BOM uga dhex tagi doono garoonka Camp Nou finalka Copa Del Rey oo ku beegan 30-ka May.
“Booliska Wadanka ayaa dacwad kusoo oogay wiil yar oo loga cabsi qabo inuu bom ku weeraro Camp Nou Finalka Copa Del Rey” Ayey u qorneed warqad maanta lasoo saaray.
“Wiilkaan wuxuu baraha lagu xiriiro kusoo qoray qoraalo badan oo uu ku muujinayo inuu dhacdadaas sameyn doono, isagoo qorsheynayay inuu BOM uga tago garoonka kulankaas”
Ugu dmabeyntii Booliska ayaa ogaaday in wiilkaan uu 24-saacadood ka hor tirtiray akoonadiisa Internet-ka si aan cadeyn loo helin.