Home » Horyaalada » La Liga Spain » Boqol Malyanle Bale Oo Aan Xiiseynin Inuu U Dhaqaaqo Kooxda Manchester United

Boqol Malyanle Bale Oo Aan Xiiseynin Inuu U Dhaqaaqo Kooxda Manchester United


Gareth Bale Gareth-Bale-sputrs

Garabka kooxda Real Madrid Gareth Bale ayaa ka dhawaajiyay inuusan xiiseynin dib ugu laabashada horyaalka Ingiriiska inkastoo ay soo baxayeen warar sheegaya in Manchester United ay xiiso baahsan u qabto.

Warar xan ah oo ay baahiyeen warbaahinta ingiriiska ayaa soo jeedinayay in Manchester United ay diirada saaratay Gareth Bale madama ay ku hungowday iney ka dhaadhciso Cristiano Ronaldo dib ugu soo noqoshada Old Trafford.

Gareth Bale oo xili ciyaareedkii hore kusoo biiray Real Madrid ayaa mustaqbalkiisa shaki la galiyay, waxaana xusid mudan inuu kaga yimid Tottenham Hotspur aduun dhan 85 Malyan oo Pound.

Si Kastaba Gareth Bale ayaa kooxdiisa ka caawiyay iney ku guuleysato xili ciyaareedkii lasoo dhaafay Champions League iyo Copa Del Rey, door muhiim ah ayuuna ku lahaa kulamadii kama dambeysta ee labadaas koob.

Dhanka kale Gareth Bale wuxuu bartilmaameed u ahaa Manchester United ka hor usoo guuritaankiisa magaalada Madrid, wuxuuna ku faraxsan yahay waqtigaan sii joogitaanka dalka Spain.

Ugu dambeyntii Manchester United ayaa sameyn doonta dhaq-dhaqaaq kale marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January ee soo aadan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>