Tababaraha Liverpool Branden Rodgers ayaan wali ka quusan da’yarkiisa reer Ingiriis Raheem Sterling kaas oo aan dooneyn inuu kasii mid ahaado kooxda ku ciyaarta Anfield wuxuuna aaminsan yahay inuu kusii heyn doono gobolka Merseyside xidigaan.
Intii uu ku guda jiray shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Stoke City ayaa wax laga weydiiyay arimaha Sterling wuxuuna yiri macalinkan reer waqooyiga Ireland.
“Wey ii kala cadahay, Raheem hadii uusan kooxda wadahdaal la galin iyo hadii uu la galaba waxaa heshiikiisa kaga haray laba sanadood waxaana rajeynayaa inuu halkaan sii jooog. ma arkin isagoo aan faraxsaneen, waa wiil yar oo halkaan hormar ku sameysay sadexdii xili ciyaareed ee tagtay, waxaana rajeyneynaa inuu halkaan kusii wato hormarkiisa waana u diyaar kulanka isbuucaan ee Stoke”
Si kastaba shalay ayey aheyd markii Liverpool ay kansashay wadahadal ay la balansaneed Sterling iyo wakiilkisa maanta oo jimco ah madama wakiilka Sterling uu ka dhawaajiyay ineysan wax heshiis cusub ah u saxiixi doonin hadii xitaa kooxdan ay usoo bandhigto Sterling mushaar dhan 900,000 kun pound.
Ugu dambeyntiina Sterling ayaa lagu daray liiska xulka Ingiriiska ee bisha June la ciyaari doona xulalka Republic of Ireland iyo Slovenia.