Home » Maxaa Cusub » Branden Rodgers Oo Jamaahiirta Liverpool Ka Codsasday Ineysan Ku Orin Sterling Kulanka Stoke City Ee Todobaadkaan

Branden Rodgers Oo Jamaahiirta Liverpool Ka Codsasday Ineysan Ku Orin Sterling Kulanka Stoke City Ee Todobaadkaan


Sterling

Tababare Branden Rodges ayaa ka cabsi qaba in Jamaahiirta kooxda ay qeyb ka qaataan hurinta mustaqbalka Raheem Sterling kaas oo aan wali go’aan laga gaarin arintiisa.

Tiro Jamaahiir ah ayaa ku oriyay xidigaan xafladii abaalmarinada lagu gudoonsiinayay xidigaha Liverpool iyagoo ka carooday hadalkii uu wakiilka xidigaan Aidy Ward ku yiri: “Ma saxiixi doono Sterling heshiis xitaa hadii Reds ay balan qaado mushaar dhan 900,000 kun Pound”

Sida la filayo kulanka ugu dambeeya horyaalka oo ay Liverpool u safri doonto kooxda Stoke City waxaa laga cabsi qabaa in Jamaahiirta ay xidigaan ku oriyaan isla markaana ay u muujiyaan sida ay uga xun yahiin inuusan kooxdiisa u caawin sidii ay u caawisay.

“Fariinta aan u dirayo jamaahiirta ayaa ah, fiiri waa wiil yar kaas oo waqtigeyga macalinimada siiyay wax walba oo kubada cagta ah”

“Waxey kooxda aaminsan isagoo 17-jir ah, waxaa la siiyay fursad wuuna ka faa’ideystay fursadaas, waqtiyada soo aadan wuxuu noqon doonaa mid ka duwan sida aan qabo”

Ugu dambeyntii Rodgers wuxuu doonayaa inuu xidigaan ku haayo Anfield Road, halka Sterling iyo Wakiilkiisa ay ku adkeysanayaan iney kooxda isaga tagaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>