Home » Maxaa Cusub » Branden Rodgers Oo Lix Ka Mid Ah Xidigahiisa Iska Raacdeyn Doona Ka Hor Bilowga Xili Ciyaareedka Soo Aadan

Branden Rodgers Oo Lix Ka Mid Ah Xidigahiisa Iska Raacdeyn Doona Ka Hor Bilowga Xili Ciyaareedka Soo Aadan


Rodgers (3)

Macalinka waqooyiga Ireland kasoo jeeda ee maamula Liverpool Branden Rodgers ayaa doonaya inuu muujiyo awooda uu u leeyahay inuu sii maamulo kooxda Liverpool madama mudooyinkii ugu dambeeyay mustaqbalkiisa shaki la galiay.

Ilaa iyo haatan wuxuu sameeyay shan saxiix oo la hubo iyo mid qarka saaran, taasna waxey ka dhigan tahay inuu ku qasbanaan doono inuu iska ceyriyo qaar ka mid ah wiilashii xagaagii dhamaaday ku fashilmay kooxda.

Daily Star ayaa qortay in lix xidig aan lagu arki doonin Anfield si ay boosaska ugu baneeyaan wiilasha cusub ee yimid.

Sebastian Coates ayaa hogaaminaya liiskaan kaas oo la filayo inuu 4 Malyan Oo Pound ku aado Sunderland.

Sidoo kalana weeraryahanada fashilmay ee Balotelli, Borini, iyo Lambert ayaa iyaguna banaanka aadi doona halka daafaca bidix ee kooxda Jose Enrique iyo Luis Alberto oo isna da’yar reer Spain ah ay kooxda kasii mid ahaan doonin.

Ma jirto sheeko rasmi ah oo cadeyneysa in xidigahaan ay kooxda ka huleelayaan balse waa arin ay ogaatay Daily Star waana ku waajib inuu kooxdisia kala yareeyo Branden.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>