Tababare Branden Rodgers ayaa loo sheegay inaan laga ceyrin doonin shaqada kooxda Liverpool xagaagan kadib markii uu kulan xasaasi ah la qaatay milkiilayaasha kooxda.
Natiijadii kasoo baxday kulankaas ayaana ahaa inuu helay fursad uu shaqadiisa ku badbaadiyo xili ciyaareed kale madama uu sanad xun haatan dhameystay.
Macalinkaan reer Ireland ayaa haatan diirada saari doona suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo sidii uu kooxdiisa uga dhigi lahaa mid xagaaga soo aadan u tartanta hanashada horyaalka Ingiriiska wuxuuna waji farxad leh kala soo baxay shalay hoolka shirka.
Sida ay qorayaan saxaafada Ingiriiska Liverpool waxey dooneysaa iney kooxdeeda kusoo kordhiso Christian Benteke, Danny Ings, Mirelam Pjanic, Nathaniel Clyne iyo ciyaartoy kale oo kooxda awood dheeri ah kuso kordhin kara sida uu qabo Rodgers.
Dhanka kalana James Milner ayaa la filayaa iney isbuucaan ku dhawaaqdo saxiixiisa kaas oo si xor ku imaanaya garonka Anfield Road.
Ugu dambeyntiina Rodgers hadii uu ku guuldareesto inuu kooxda waqti fiican u hogaamiyo wuxuu weyn doonaa shaqadiisa.