Home » Maxaa Cusub » Branden Rodgers: “Waxey Aheyd Dharbaaxo Weyn Inaan Weyno Saxiixa Alexis Sanchez”

Branden Rodgers: “Waxey Aheyd Dharbaaxo Weyn Inaan Weyno Saxiixa Alexis Sanchez”


Sanchez

Tababare Branden Rodgers ayaa ka shalaayay in kooxdiisa ay lasoo saxiixan weysay weeraryahanka reer Chile Alexis Sanchez kaas oo haatan ka tirsan kooxda Arsenal.

Alexis Sanchez ayaa bartilmaameed u ahaa kooxda Liverpool, inkastoo ugu dambeyntii uu 32 Malyan Oo Pound ugu biiray kooxda Arsenal.

Sanchez ayaa xambaaray masuuliyadda kooxda Arsenal, isagoo noqday xidiga ugu muhiimsan kooxda madama uu si xowli ah ula qabsaday horyaalka Premier League-ga.

Alexis Sanchez wuxuu kooxdiisa u dhaliyay 9-gool, 15-kulan oo horyaalka uu ciyaaray xili ciyaareedkaan, sidoo kalana shan kulan ayuu caawiyay.

Si Kastaba Branden Rodgers ayaa ka shalayaaya iney waayeen Sanchez xili xidigaan heerka caalami uu Anfield kaga hor imaan doono Liverpool Axaddda.

Hadal heynta ugu weyn ayaa ah in Sanchez uu diiday inuu qeyb ka noqdo heshiiska uu Luis Suarez ku imaanayo kooxda Barcelona taasoo keentay inuu aqbalo dalabka Arsenal.

Ugu dambeyntii Liverpool ayaa dhibaato dhanak weerarka ah haatan ay heysataa waxeyna u baahnaan laheyd Sanchez si ay uga mid noqoto kooxaha sare.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>