Daafaca reer Serbia Branislav Ivanovic kaasi oo ay kooxda Chelsea sida weyn ugu tiirsan tahay ayaa diyaar u ah xagaaga nagu soo fool leh inuu dalabka kooxda Bayern Munich aqbalo.
Wargeska The Bild ee kasoo bax dalka Jarmalka ayaa sheegay in Bayern ay bilihii ugu dambeesay ku fikireesay sidii ay xidigan gacanta ugu soo dhigi laheyd.
Balse haatan Ivanovic ayaa diyaar u ah inuu dalabka Munich k jawaabo sidoo kalena waayihiisa cayaareed inta uga harsan uu garoonka Allianz Arena ku dhameesto.
Sidoo kale talkSport ayaa sheegay in Bayern Munich xagaaga nagu soo fool leh ahmiyada kowaad siin doonto sidii ay Ivanovic ula soo wareegi laheyd waxaana qorshahan wato macalin Pep Guardiola.
31-jirkan qandaraaska uu Chelsea kula joogo waxaa uga harsan mudo hal sano ah sidaa darteed Chelsea kama celin karto inuu xagaagan Bayern u dhaqaaqo marba hadii Ivanovic rabitaanka dhankiisa socdo.