Home » Maxaa Cusub » Brazil Oo Dalka Shiinaha Ku Garaacday Argentina Ciyaar Lionel Messi Uu Rigoore Qasaariyay

Brazil Oo Dalka Shiinaha Ku Garaacday Argentina Ciyaar Lionel Messi Uu Rigoore Qasaariyay


Brazil

Brazil ayaa gaartay guul muhiim ah kulan saaxiibtinimo oo ay la yeesheen xulka ay sida ba’an ugu xifaaltamaan kubada cagta ee Argentina kulan xiiso gaar ah lahaa oo ka dhacay garoonka Birds Net Stadium ee dalka Shiinaha.

Argentina ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dardar leh iyadoo Aguero uu ka qasaariyay Argentina dhowr fursadood oo gool loo fishay, inkastoo sidoo kale xidigaan lagu riday xerada ganaaxa balse laguma abaalmarin.

Diego Tardelli ayaa hogaanka u dhiibay Xulka Brazil daqiiqadii 28-aad markii uu si wacan u dhameystiray kubad ay daafaca Argentina meel dheer iska geyn waayeen markii uu laad kasoo qaaday dhanka midig Willian.

Neymar JR ayaa helay fursad uu hogaanka ugu dheereyn karay Brazil markii uu kubad xawaare ah la galay goolka Argentina, xidiga Barcelona si qurux badan ayuu u xariiftamay, balse ugu dambeyntii wuu fashilmay.

Lionel Messi ayaa kubad si dhaqso ah ugu dhiibay Angel Di Maria oo isna si adag u galay xerada ganaaxa, inkastoo daafaca midig ee Brazil Danilo uu xidigaan riday, rigoore ayaa lagu abaalmariyay Argentina daqiiqadii 43-aad ee ciyaarta,

Lionel Messi ayaa usoo istaagay inuu Argentina barbaro u keeno, balse xidiga Barcelona waa laga badbaadiyay waxaana kubada gacanta ku dhigay goolhaye Jefferson, inkastoo isku day uu sameeyay Di Maria uu fashilmay.

BANNER-Brazil-Argentina.jpg

Qeybtii hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0 oo ay ciyaarta hogaankeeda ku heyso Brazil, balse markii la isku soo laabtay ciyaarta qeybteedii labaad, Brazil ayaa heshay fursadii ugu horeysay Neymar ayaana kubad lama filaan ah u dhiibay Felipe Luis inkastoo xidiga Chelsea uu hawada ku tolay.

Angel Di Maria ayaa helay fursad hal iyo hal ah markii uu kubad ku garaacay Miranda, balse xidiga United kubadii uu goosha la galay uma suuragalin inuu gool u badalo Miranda ayaana cadadiyay.

Oscar ayaa u dhawaaday inuu gool dhaliyo markii uu laad xor ah ka helay meel gees ah daqiiqadii 60-aad ee ciyaarta, isku day wanaagsan oo uu sameeyay xidiga Chelsea goolhaye Romero ayaa si fiican kaga badaadiyay.

Lionel Messi ayaa kubad hal iyo labo ah la ciyaaray Higuain, ka hor inta uusan goolka beegsan, goolhayaha ayaana si qurux badan kaga badiyaadiyay.

Diego Tardelli ayaa hogaanka u dheereyay Brazil, markii uu madaxeeyay kubad ka timid koornaha bidix, inkastoo goolhaye Romero uu kubada taabtay hadana awood waa u yeelan waayay inuu shabaqa ka celiyo daqiiqadii 64-aad ee ciyaarta.

Lionel Messi ayaa laad xor ah ugu dhawaaday inuu gool ugu badalo goolhayaha Jefferson ayaana ka diiday oo kubada u saaray koorne daqiiadii 78-aad ee ciyaarta.

Neymar JR ayaa helay fursad weerar gaadmo aheyd daqiiqadii 80-aad ee ciyaarta, xidiga Barcelona si fiican ayuu u sameeyay kubada markii uu goolhayaha kusoo baxay balse shabaqa kore ayey ku dhacday.

Ricardo Kaka oo ka mid ahaa xidigahii xulka Brazil ee ku guuleystay koobkii Aduunka 2002, ayaa kasoo muuqday Brazil, waxaana lagu badalay weeraryahankii labada gool dhaliyay ee Tradelli.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0, oo ay guusha ku raacday xulka Brazil, macalin Dunga ayaana garaacay xulka ay sida ba’an u xifaaltamaan ee Brazil.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>