Home » Maxaa Cusub » Brazil Oo Xaaqday Japan, Xilli Neymar JR Uu Dhaliyay Afarta Gool Ee Brazil Ku Awood Sheegatay

Brazil Oo Xaaqday Japan, Xilli Neymar JR Uu Dhaliyay Afarta Gool Ee Brazil Ku Awood Sheegatay


Neymar

Brazil ayaa si toos ah u qaarijisay wiilasha Japan kulan xiiso lahaa oo maanta dhacay iyadoo xidiga Barcelona Neymar JR uu mucjiso ka dhigay ciyaarta kadib markii uu afarta gool ee Brazil ay ku dhaaftay Japan uu saxiixay.

Tan iyo madax xanuunkii koobka Aduunka, macalin Dunga ayaa waqti wanaagsan u hogaaminaya xulka Brazil madama uu kala wareegay xilka Scolari wuxuuna kusoo kordhiyay ciyaartoy badan oo uu dayacay Scolari.

Si Kastaba Neymar JR ayaa laad xor ah ugu dhawaaday inuu gool ku dhaliyo qeybta hore ciyaarta iyadoo ciyaarta aan wax gool ah la iska dhalin wuxuuna xidigaan da’da yar kubada ku dhuftay birta.

Daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta Neymar JR ayaa bilaabay bandhiga goolasha markii uu goolhayaha reer Japan meel cidlo ah kaga tagay ka hor inta uusan kubada shabaqa cuskinin wuxuuna caawinaad ka helay Diego Tradelli.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0, oo ay Brazil ku hogamaineyso balse Philippe Coutinho ayaa caawiyay Neymar daqiiqadii 48-aad ee ciyaarta goolhayaha ayuuna ula tagay isagoo si farsameysan kubada shabaqa u dhex dhigay.

Mar kale Neymar ayaa shabaqa soo taabtay daqiiqadii 77-aad ee ciyaarta markii uu si fiican u dhameystiray kubad goolhayaha uu ka beeniyay Coutinho lugta bidix ayuuna ku dhameystiray.

Ricardo Kaka ayaa ciyaarta badal kusoo galay 15-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay, wuxuuna masuul ka noqday inuu dhasho goolka afaraad ee Brazil isagoo kubad qurux badan ku caawiyay Neymar oo goolka afaraad madax ku dhaliyay daqiiqadii 81-aad ee ciyaarta.

Ugu dambeyntii Neymar oo ah hogaamiyaha xulka Brazil ayaa xulkiisa wado wanaagsan ku wada isagoo dhabarka saartay masuuliyada xulka jaalayaasha.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>