Sergio Busquets ayaa seegi doona kulanka Axada ay kooxdiisa la yeelan doonto Rayo Vallecano kadib markii xidigan uu dhaawac soo gaaray kulankii Villarreal ee xalayto.
Sergio ayaa laga saaray garoonka markii canqawga uu xanuun daran ka dareemay waxaana dhulka u gaabiyay Tomas Pina oo casaan gudoomay kulankaas, iyadoo Barcelona ay finalka tartanka Copa del rey u gudubtay.
Tijaabo la sameeyay maanta oo khamiis ah ayaa lagu ogaaday in xidigaan uusan ka qeyb qaadan karin kulanka ay Rayo Vallecano la ciyaari doonaan Axada, inkastoo waqtiga soo laabashadiisa aan la xaqiijin wali xili ay talaadada wajahi doonaan Manchester City lugta labaad wareega 16-ka Champions League.
Sidoo kale Real Madrid ayaa afar maalin kadib ciyaari doonta kulanka El-Clasico loo yaqaano ee ay Real Madrid la ciyaari doonaan kulankaas oo ka dhici doona Camp Nou.
“Dhaqaatiirta kooxda ayaa xaqiijiyay in xidigaan uu canqawga uu dhib ka gaaray kulankii Villarreal ee arbacadii, wuxuuna maqnaan doonaan kulanka Axada ay Camp Nou soo booqaneyso Vallecano” Ayey u qorneed warbixin kasoo baxday Barca.
Tomas Pina oo ahaa xidigii dhaawaca Busquets ayaan wax badan kusii jirin ciyaarta, madama uu casaan qaatay isagoo qalad labaad ka galay Neymar.