Ugu dambeyntii kubad qaabeeyaha kooxda Man United Anderson ayaa isaga baxsaday kursiga kaydka garoonka Old Trafford kadib markii loo ogolaaday xidigan u dhashay dalka Brazil inuu kooxda Fiorentina ku biiro, xidigan ayaa u mahad celiyay taageerayaasha iyo maamulka Man United wuxuuna saaxiibadiisa u sheegay inuu halgan cayaareed oo cusub ka bilaabi doono Serie A-da dalka Talyaaniga madaama Man United ay xidigan u ogolaatay inuu qaab amaah ah naadiga Fiorentina ugu cayaaro inta ka harsan xili cayaareedkan. Anderson oo u duulay magaalada Florence ayaa kaliya u baahan inuu ku guuleesto tijaabada caafimeed ee uu mari doono si uu kooxda Violla si rasmi ah uga mid noqdo.
Anderson ayaa kliya u saftay Man United 4-kulan Premiership-ka sidoo kalena 8-kulan ayuu guud ahaan u cayaaray kooxdan dhamaan tartamada kala duwan wuxuu Man United kusoo biiray sanadii 2007 ayadoo £20million kaga soo iibsatay naadiga FC Porto mudadii uu garoonka Old Trafford ku sugnaa wuxuu United u saftay 179-kulan asigoo u dhaliyay 9-gool balse xidiga reer Brazil marnaba kuma guuleesanin inuu kaalintiisa muuqato qaato sidaa darteed wixii loo dulqaataba macalin David Moyes ayaa ugu dambeyntii albaabka Old Trafford looga baxo tusay xidigan dhalinta yar madaama Man United ay sameyn doonto isbadal iyo isku shaan dheen xoogan Anderson ayaa noqday laacibkii ugu horeeyay ee safta haleeshay.
Waxaa Aqrisay: (177)
Mogadishu - Somalia