Home » Maxaa Cusub » Caawiyihii Hore Louis Van Gaal Oo Daboolka Ka Qaaday In Macalinkaan Reer Holland Uu Iska Diiday Shaqada Real Madrid Ka Hor Inta Uusan Qaban Barcelona

Caawiyihii Hore Louis Van Gaal Oo Daboolka Ka Qaaday In Macalinkaan Reer Holland Uu Iska Diiday Shaqada Real Madrid Ka Hor Inta Uusan Qaban Barcelona


LVG

Inkastoo ay tahay sheeko hore hadana caawiyihii hore macalinka Man United Van Gaal ninka lagu magacaabo Gerard van der Lem ayaa daboolka ka qaaday in macalnka reer Holland uu iska diiday dalab kaga yimid Real Madrid ka hor inta uusan Barcelona xilkeeda qaban.

Louis Van Gaal ayaa qabtay shaqada kooxda Barcelona sanadii 1997, sanad ka hor isagoo koobka Horyaalada yurub u qaaday naadiga Ajax Amsterdam.

Si kastaba Gerard van der Lem kaas oo caawiye u ahaa Van Gaal waqtigiisii Ajax ayaa cadeeyay in macalinkiisii hore uu iska diiday dalab rasmi ah oo uu ka helay kooxda Real Madrid ee ku ciyaarta garoonka Santiego Bernabeu.

“Real Madrid iyo Barcelona ayaa wada doonayay Van Gaal sanadii 1997-dii” ayuu yiri Gerard van der Lem oo la hadlayay De Telegraaf.

“Wuxuu i weydiiyay: – Maxaad dooneysaa? Waxaan ku iri waxaan doorbidayaa Barcelona, Madrid waxey dhacdaa bartamaha Spain waana meel inta badan kuleyl ah xiliyada Xagaayaha isla markaana aad u qabow xiliga jiilaalka”

“Barcelona waa meel ay wanaagsan tahay cimiladeeda, u muuqata magaalo fiican, waana ku raaxeystaa xeebteeda”

“Louis wuxuu markaas kadib ii sheegay inuu wadahadal la furayo Barcelona” Ayuu yiri Gerard van der Lem oo ah sida muuqata qofkii ka dambeeyay in Van Gaal uu qabto shaqada Barca.

Van Gaal wuxuu ku guuleystay shaqadii Barcelona oo uu ka badalay Bobby Robson.

63-jirka haatan leyliya Man United 3-dii sano ee ugu horeysay waayahiisa Camp Nou wuxuu u qaaday laba horyaal, inkastoo uu laba sano kusoo qarash gareeyay xulka Holland intii u dhaxeysay 2000 – ilaa 2002 hadana wuxuu dib ugu soo laabtay Barca.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>