Home » Maxaa Cusub » CABSI HOR LEH: Kooxda Chelsea Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Raheem Sterling

CABSI HOR LEH: Kooxda Chelsea Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Raheem Sterling


sTERLING

Sheeko kale oo naxdin leh ayaa loosoo wariyay kooxda Liverpool ka sokow in kooxda Arsenal ay dooneyso xidigeeda waxaana warbaahinta Ingiriiska ay saakay sheegeen in Chelsea ay kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa da’yarkooda Raheem Sterling.

Mustaqbalka Raheem Sterling ayaa hawada ku jira kadib markii uu dhowr jeer diiday isku day ay kooxdiisa ku dooneysay iney heshiis cusub kaga saxiixdo isagoo masuugaya lacagaha ay kooxdiisa mushaar ahaan u siin rabto.

Sida ay qortay Daily Mail, Kooxda The Blues lagu neynaaso ayaa diyaar u ah iney kooxaha Manchester City iyo Arsenal kula tartanto saxiixa xidigaan heerka caalami.

Chelsea hamigeeda waa iney magaalada London dib ugu soo celiso Raheem Sterling oo xili usoo ciyaaray kooxda Queen’s Park Rangers, sidoo kalana 20-jirkaan waxaa doonaya kooxaha Bayern Munich iyo Real Madrid.

Dhanka kale Branden Rodgers ayaa ku kalsoon in xidigiisa uusan kooxda Liverpool ka dhaqaaqi doonin inta lagu guda jiro xagaagan.

Ugu dambeyntii Liverpool ayaa dagaal ugu jirta iney ilaashato xidigeeda reer Ingiriis iyadoo damacsan iney ku qanciso sii joogitaanka Anfiedl.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>