Home » Maxaa Cusub » Cadaawadii Uu Raheem Sterling Ka Abuurtay Jamaahiirta Liverpool Oo Gaartay Dalka Australia

Cadaawadii Uu Raheem Sterling Ka Abuurtay Jamaahiirta Liverpool Oo Gaartay Dalka Australia


Sterling

Saxiixa cusub ee kooxda Manchester City Raheem Sterling ayaa cadaawad curdun ah ku abuuray Jamaahiirta Liverpool kadib markii uu go’aan ku gaaray inuu ka guuro Anfield Road 5-sano kadib markii uu akadeemiga QPR kaga yimid.

Xidigaan wuxuu kasoo muuqday shaashad weyn ka hor bilowga ciyaartii ay Manchester City 1-0 ku dhaaftay kooxda Melbourne kulan saaxiibtinimo inkastoo uusan garoonka soo galin balse Jamaahiirta Reds ee ku nool Australia ayaa ku oriyay.

Badi dadka Australia ku nool waxey taageero u yahiin kooxda Liverpool, waxeyna sawaxan ku fureen Sterling.

Waxey u noqoneysaa bilow aan qurux badneen madama uu orin kala kulmay Jamaahiir Liverpool ah oo ku nool dalka Australia iyadoo ay sugeyso inuu ka hor yimaado Reds xagaaga bilaaba doona bisha soo aadan.

Sterling wuxuu booqan doonaa Anfield Road isagoo cadaw ku ah Liverpool, wax fiicanna kama sugayo Jamaahiirta Liverpool madama uu xushmad la’aan kooxda kaga tagay.

Ugu dambeyntii Sterling oo 49 Malyan Oo Pound ugu wareegay Manchester City ayaan wali safan kulankiisii ugu horeeyay kooxdiisa cusub.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>