Sida ay qortay Cadena Ser Daafaca midig ee kooxda Barcelona Dani Alves ayaa doonaya inuu si xor ah uga tago kooxdiisa madama uu ku qanci waayay heshiis cusub oo loo soo bandhigay.
Daafacaan reer Brazil ayaa ku jira qaab ciyaareed qurux badan, waxaana kaliya kaga haray hal bil inuu dhamaado heshiiska uu kula jiray kooxda ka dhisan Camp Nou, Cadena Ser ayaa ku warantay in wakiilka xidigaan iyo maamulka Barcelona uu wadahdal u socday todobaadkaan balse gabi ahaanba uu burburay madama Barca ay soo bandhigtay qorshe aan u qalmin xidigaan.
Alves kaliya sadex kulan ayaa kaga hartay inuu sii xirnaado maaliyada Barcelona sida ay warbixinta ku sheegtay Cadena Ser, waxaana la rajeynayaa inuu shir jaraa’id qabto todobaadka soo socda isla markaana uu sharaxo go’aanka mustaqbalkiisa.
Sida la filayana Dani Alves wuu macsalaameyn doonaa kooxda Bulgarana oo uu ku sugnaa tan iyo sanadii 2008 markaas oo uu kaga yimid kooxda Sevilla.
Ugu dambeyntiina Xavi Hernandez ayuu kula midoobi doonaa liiska xidigaha ka tagaya xagaagan Barcelona inkastoo la filayo in xidigo ka gadoodsan kursiga keydka ay soo raaci doonaan.