Halyeega xulka Spain iyo naadiga Barcelona ee sanadkii hore cayaaraha ka fariistay ayaa sheegay inuu dhawaan saaxada kubada cagta kusoo laaban doono.
Carles Puyol ayaa dhibaato dhanka dhaawac jilibka ah soo gaaray garoomada uga baxay wuxuuna ka hadlay xanuunkii soo maray xidigan.
“Haatan jilibkeyga wuu wanaagsan yahay waxaan soo maray heer aan jaran jaro xitaa kori karin balse haatan waan socon karaa sidoo kalena dhaq dhaqaaq ayan sameyn karaa”
“Inaan kubada cayaaro ama macalin noqdo waa mid qorshaha iigu jirto balse haatan nasiino ayaan u baahanahay kadibna dhawaan ayaan saxaada kubada cagta kusoo laaban doonaa”
37-jirkan ayaa sheegay inuu heesto fursad uu dhalinta kooxda Barcelona macalin ugu noqon karo sidoo kalena uu doonayo inuu kooxdiisa wax weyn qabto.
Carles Puyol ayaa sidoo kalena doonayo inuu noqdo macalin weyn oo qaarada Yurub laga qadariyo inkastoo xidigan uu sheegay in midaas ayan haatan iyo waqti u dhow aysan dhici karin.
Dhanka kale Carles Puyol ayaa aaminsan in xili cayaareedkan kooxdiisa Barcelona ay ku guulesan karto La Ligaha Spain sidoo kalena haatan Barcelona cagaha la heshay wuxuuna amaan balaaran usoo jeediyay macalin Luis Enrique.