Home » Horyaalada » La Liga Spain » Carlo Acelotti “Ma Arko Sabab Uu Lionel Messi Sanadkan Ku Qaadan Karo Ballon d’Or!!”

Carlo Acelotti “Ma Arko Sabab Uu Lionel Messi Sanadkan Ku Qaadan Karo Ballon d’Or!!”


CR

Macalinka kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa aaminsan in sanadkan uusan Lionel Messi ku guuleesan doonin abaal marita FIFA Ballon d’Or oo sanad walbo la siiyo xidiga aduunka ugu wanaagsa.

“Ma arko sabab uu sanadkan Lionel Messi ku qaadan karo abaal marinta FIFA Ballon d’Or waayo xidigan waxqabadkiisa aad uma sareeyo sidoo kalena xidigo badan oo ka mudan ayaa jiraan”

Macalink reer Talyaani ayaa aaminsan in Ballon d’Or sanadkan la siin doono Cristiano Ronaldo ama mid ka mid ah xidigaha xulka Jarmalka.

“Ronaldo wax walbo oo d’Or lagu qaadan karo ayuu sanadkan sameeyay sidoo kalena qaar ka mid ah xidigaha Jarmalka waala siin karaa madaama ay koobkii aduunka ku guuleesteen balse ma jirto sabab lagu siin karo xidig kale”

“Waayo abaa marintan waxay dhex taalaa Ronaldo iyo xidigaha xulka Jarmalka dabca midkood ayaana ku guuleesan doono”

Ugu dambeyntii Ancelotti oo ka mid ah musharaxiinta u taagan macalinka sanadkan ugu wanaagsan ayaa iska diiday inuu abaal marintan qiimaha badan ku guuleesan doono wuxuuna ka dhawaajiyay inay jiraan macalimiin badan oo sidiisa oo kale sanadkan waxqabad wanaagsan la imaadeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>