Iyadoo Liverpool ay sameysay hoos u dhac baahsan xili ciyaareedkaan madama ay Barcelona ka iibisay weeraryahankeedii ugu muhiimsanaa kooxda Luis Suarez, hadana waxey suuqa kasoo heleen Mario Balotelli oo haatan dusha looga tuuray eeda hoos u dhaca kooxda madama uu saameyn ku yeelan waayay waxqabadka gooldhalineed ee kooxda.
Si Kastaba Carlo Ancelotti ayaa arintaas ka hadlay ka hor kulanka ay Liverpool ku qaabili doonaan Anfield kulan ka tirsan Champions League wuxuuna qiray inaan Balotelli lagu eedeyn karin qaabka xun ee Liverpool xili ciyaareedkaan balse ay tahay bixitaanka Luis Suarez oo baneeyay boos weyn.
“Uma Maleynayo in dhibaatada Liverpool heysata ay ku kooban tahay kaliya Mario Balotelli” Ayuu yiri Ancelotti.
“Wuxuu u baahan yahay inuu shaqadiisa dhinac ka qabto, taasna waa mida la weydiin karo isaga, macalinkana waa inuu helo qaab sax ah oo ay u shaqeeyaan ciyaartoyda cusub”
“Waxey lumiyeen Luis Suarez, kaas oo goolal badan u dhaliyay weyna u baahnaayeen xili ciyaareed kale”
Si kastaba Balotelli ayaa ilaa haatan kooxdiisa laba gool u dhaliyay tan iyo markii uu 16 Malyan Oo Pound kaga soo biiray Milan xili ciyaareedkaan inkastoo wali uusan shabaqa soo taaban kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska.