FIFA iyo France Football ayaa ku dhawaaqay sadexda macalin ee ugu dambeyntii isugu haray macalinka sanadka 2014, Carlo Ancelotti, Diego Simeone iyo Joachim Low.
Carlo Ancelotti ayaa Real Madrid u hogaamiyay iney ku guuleysato koobkeedii 10-aad ee Horyaalada Yurub xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee kooxda iyo sidoo kale Copa Del Rey.
Dhanka kale Diego Simeone wuxuu Atletico Madrid u hogaamiyay horyaalkii ugu horeeyay tan iyo 1996, isagoo sidoo kale geeyay Finalka Champions League markii ugu horeysay.
Joachim Low ayaa isna xulka Jarmalka u hogaamiyay iney ku guuleystaan Koobka Aduunka, inkastoo ay xulkaan tageen Finalka Euro 2008, iyo Semi Finalka tartamada Koobka Aduunka 2010 iyo Euro 2012.
Jupp Heynckes ayaa ah macalinka heysta abaalmarintaan kaas oo ku guuleystay sanadii 2013, markii uu Bayern Munich u qaaday Champions League, waxaana sii xigay Del Bosque, Guardiola & Jose Mourinho.
Ugu dambeyntii FIFA iyo France Football ayaa ku dhawaaqi doona macalinka sanadka 2014, maalinta xafladda Ballon d’Or oo ku beegan 12-ka January.