Ugu dambeyntii Carlos Tevez ayaa go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa cayaareed wuxuuna kooxda Juventus ku wargaliyay halka uu doonayo inuu xagaagan u dhaqaaqo.
Weeraryahanka reer Argentina ayaa kooxdiisa u sheegay u sheegay inuu ku laaban doono dalka Argentina sidoo kalena uu ku biiri doono naadiga Boca Juniors.
Inkastoo xidigan qandaraaskiisa Juve hal sano kaga harsan tahay hadana si rasmi ah ayuu go’aankiisa u cadeeyay.
Waxaana arinkan sii xoojiyay madaxweynaha naadiga Boca Juniors Daniel Angelici oo wargeska TyCSports u sheegay inay Tevez wada hadleen.
Wuxuuna yiri “Waxaan doonaa inaan taxadir badan ka muujiyo imaanshaha Tevez waayo waa inaan tixgalinaa Juventus oo ah kooxda uu weli qandaraas kula jiro”
“Balse waxaan hubaa inuu Juve lasii joogo doono ama uu Boca imaan doono xagaagan ee tilaabo ka dheeri ah Carlos ma qaadi doono”
“Carlos ayaan u dhaafi doonaa inuu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa cayaareed balse waxaan ku wada balanay inuu Boca imaado xagaagan ama sanadka dambe”
Carlos Tevez ayaa mudo labo sano ah kooxda Juventus ka tirsanaa balse dhowr bilood ka hor ayuu go’aan ku gaaray inuu kooxdiisii hore Boca Juniors ku biiro.
Hadaba dhawaan ayuu Juve xidigan la kulmi doonaa kana codsan doonaa in loo fasaxo dib ugu laabashada Koonfur Ameerika.