Home » Maxaa Cusub » Carragher, Linekar, Hamann Iyo Neville Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadleen Murugadii Liverpool Iyo Farxadii Chelsea

Carragher, Linekar, Hamann Iyo Neville Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadleen Murugadii Liverpool Iyo Farxadii Chelsea


Liverpool-Set-Piece-Strategy

Kooxda Chelsea markale taako adag ayay ka gudubtay waxaana macalin Jose Mourinho u suura gashay inuu garoonka Anfield sedex dhibcoo oo qaali ah kusoo qaato.

Hadaba guushii Chelsea 2-1 kaga qaadatay dhigeeda Liverpool ruug cadaayaal farabadan ayaa siyaabo kala duwan uga hadleen ayagoo adeegsanayeen barta Twitter-ka, hadaba hoos kaga bogo wixii ay kulankan ka dhaheyn:

Gary Lineker: Chelsea markale guul awood ku dheehan ayay gaartay, sidoo kale Rodgers markale ayuu fashilmay runtii Liverpool xaalka ayaa ku xun waxay si dhaqsi ah ugu baahan tahay soo laabashada Sturridge!

Jamie Carragher: ma aana la dhicin shaxda Liverpool iyo taktikada ay cayaareen, Chelsea si wacan ayay daafaceeda u cayaareen, Hazard waa xidig, Liverpool dhibaat xoogan ayaa heesato kaliya kubada gadaal dambe ayay ka sharaxi karaan balse horey uma wadi karaan!

Reds

Dietmar Hamann: Liverpool si awood ku dheehan ayaa looga badiyay ma jirto muran iyo dood waxaan kaloo qiraa in Chelsea dhamaan kooxaha EPL ay ka wood badan tahay sidoo kalena Liverpool wado dheer ayaa sugeyso waxayna u baahan tahay si deg deg ay inuu Sturridge ugu soo laabto.

Phil Neville: Tani ma dhihi karnaa waa kooxdii ugu wanaagsanaa ee ebid maaliyada Chelsea xirtaan, dabcan ma dhihi karnaa kooxdii ugu awooda badneed ee uu Jose Mourinho dhisay!”

Lee Dixon: Dabcan Chelsea wey nasiib badan tahay rigoore in laga dhigo ayay ka bad baadeen balse waa koox ka awood badan kana dheeli tiran dhamaan kooxaha kale ee horyaalka England.

One Response to Carragher, Linekar, Hamann Iyo Neville Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadleen Murugadii Liverpool Iyo Farxadii Chelsea

  1. Axmed Cateeye,xeego Reply

    November 8, 2014 at 10:58 pm

    Chalsea Cidkaraysaa majirto

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>