Micheal Carrick iyo Theo Walcott ayaa kadib dhaawacyadii ay kasoo bogsoodeen si dhaqso ah looga yeeray xulka England ee la ciyaari doona Slovenia iyo Scotland bisha November.
Sidoo kale xulka waxaa looga wacay Steward Downing oo muujiyay karti dheeraad ah xili ciyaareedkaan bilowga ah wuxuuna kooxdiisa u horseeday iney meel wanaagsan soo istaagto, waxaana sidoo kale looga yeeray xulka Berahino.
Fabian Delph ayaa laga saaray xulka iyadoo Welbeck, Walcott, Lambert, Rooney iyo Berahino ay hogaaminayaan weerarka, waxase sidoo looga wacay xulka Clyne oo ka tirsan Southampton iyadoo Luke Shaw uu isna ku jiro madama kulamadii ugu dambeeyay uu ku jiray xulka England ee 21-jirada.
Goolhayeyaasha
Joe Hart, Ben Foster, Fraser Forster
Daafaca:
Leighton Baines, Gary Cahill, Calum Chambers, Nathaniel Clyne, Kieran Gibbs, Luke Shaw, Phil Jagielka, Chris Smalling
Khadka Dhexe:
Ross Barkley, Michael Carrick, Stewart Downing, Jordan Henderson, Adam Lallana, James Milner, Alex Oxlade-Chamberlain, Raheem Sterling, Andros Townsend, Jack Wilshere
Weerarka:
Theo Walcott, Rickie Lambert, Wayne Rooney, Danny Welbeck, Saido Berahino